Cusmaan Axmed Maxamed oo ah qunsulka qeybta Safaaradda Soomaaliyeed ee magaalada Sanca ayaa Goobjoog News u sheegay in maanta ay Sanca kasoo baxeyso diyaarad sida ku dhawaad 300 oo Qaxooti Soomaaliyeed.
Qunuslka ayaa intaa ku daraya in Diyaaradda ay kasoo dagi doonto Magaalada Muqdisho, waxaa diyaaradda ku deeqday IOM oo Qaramamad Midoobay ah.
Cusmaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in Diyaaradda ay ku timid dadaal ay bixiyeen hay’adaha dowladda Soomaaliya sida hay’adda Qaxootiga Qaranka, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Wasaaradda arimaha gudaha iyo hay’ado kale.




From the comments