Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi goor dhaw uu gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Diyaaradda waday madaxweynaha oo ka amba baxday magaalada Muqdisho ayaa ku dejisay garoonka magaalada Kismaayo halkaasi oo si aad ah loogu soo dhaweeyay.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, Waxgarad, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi iyo shacab aad u badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda.




From the comments