Guddiga Doorashooyinka qaranka ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku doortay gudoomiyahooda iyo ku xigeenkiisa, ka dib doorasho dhacday.
Gudoomiyaha gudigaasi ayaa loo doortay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey), halka ku xigeenna loo doortay Sayid Cali Sheekh Maxamed.
Doorashadaan ayaa ahayd gacan taag, waxaana madasha ay ka dhacaysa ku sugnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.




From the comments