Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hareer martay Dastuurka KMG ee dalka u yaalla, islamarkaana ay mas’uul ka tahay wax walba oo dhanka Dastuurka la’isaga qabsado.
Waxa uu sheegay Faroole in dowladda Federaalka iyada oo og wax walba oo ka dhalan kara hadii la hareer maro Dastuurka ay sameysay maamulo aan u dhismin sida Dastuurka qabo waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Xukuumadda Xamar ayaa qaska wada, waxaana ay hareer martay Dastuurkii, iyada oo dhistay maamulo keenay in la’is qabqabsado, wax walbana wadadii loogu tala galay hadii lala dhinac maro dhibaato baa ka imaan” ayuu yiri Faroole.




From the comments