Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonaan nadaafad darri ka jirta xaafado ka mid ah degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulkaasi Cabdullaahi Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xoog badan ay ku bixin doonaan sidii loo nadiifin lahaa wadooyinka degmadaasi, loona furi lahaa biyo mareenada hadda qashinka ka buuxaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka in howshaan ay qabanayaan ay uga golleeyihiin sidii dib loo soo celin lahaa bilicda degmada Afgooye.




From the comments