Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidankaasi uga baxeen degamadaasi.
Waxaa la sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi ka guureen xarumahii ay degmada ka deganaayeen sida Xaruntii Kafaalo, Garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedyada degmadaasi.
Wariyayaal ku sugan degmada Cadaado ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ciidamadaan ay ku baxeen wadada aada dhanka degmada Dhuusamareeb.




From the comments