Maamulka degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa digniin kama dameys ah u diray dad ay sheegeen in ay ku howlan yihiin amni xumi ka dhacdo degmadaasi.
Madaxa maaliyadda degmadaasi Aadan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay habeen iyo maalin ku howlan yihiin sidii ay ku xaqiijin lahaayeen ammaanka degmada, islamarkaana aysan u dul qaadan doonin cid walba oo isku dayda in ammaankaasi ay qalqal ku beerto.
“Cid walba oo amni xumi wado tallaab ayaa laga qaadi doonaan, shacabka waxa ay hadda haystaan amni ay ku faani karaan, ciidamadana habeen iyo maalin waxa ay ku howlan yihiin sidii ay amnigaasi u xoojin lahaayeen” ayuu yiri Aadan Cabdi.




From the comments