Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana ka qeybgalaya 300 oo Ergo, kuwaa oo ansixin doona Dastuurka, iyadoo Goobjoog ay ka ahaayeen furitaanka shirkaan mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay xubnihii ku howlanaa Dastuurka Jubbaland iyo sidoo kale qaabka Bulshada looga qeybgaliyay aragti in ay Dastuurkaasi ka dhiibtaan.





From the comments