Waxaa laga dayrinayaa xaaladda qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cadan ee dalka Yemen ka dib markii ay ka go’een wixii sahay ahaa oo ay heysteen.
Wariyaasheena ku sugan dalka Yemen oo muddoyinkaan halkaasi howlo shaqo u joogay ayaa soo sheegaya in dadkaan aanay haysan wax sahay ah, islamarkaana xaaladooda meel halis ah ay joogto.
Marka laga tago dadka usoo ambabaxay Soomaaliya iyo kuwa kale ee weli jecleysanaya in ay Yemen kusii noolaadaan ee gaaray meelaha xasiloonidu ka jirto sida magaalada Mukalla deegaanada Buwesh, Xarshiyad ee gobolka Xadra-Mowt dhinaca kale waxaa jira qaxooti Soomaaliyeed oo weli ku dhibaataysan magaalada Cadan





From the comments