Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir weynahaHiigsiga 2016 , kaasi oo ay ka qeybgalayaan xubno ka mid ah dowladda iyo sidoo kale wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay khudabadii furitaanka, waxaana sidoo kale madasha shirka ku sugan xubno ka socda ururada IGAD, Midowga Afrika, iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.
Dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan ayaa waxa ay Daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.





From the comments