Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconaya shir looga hadlayo Hiigsiga 2016, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladda Federaalka, maamulada dalka ka jira iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.
Arinta ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono shirka maanta ayaa ah dhameystirka howlaha dowladda Federaalka uga harsan Hiigsiga 2016, iyadoo shirar gaar gaar ah ay qaadan doonaan guddiyo la sameeyay.
Gabagabada shirkaan ee maanta ayaa si wadajir ah waxaa loo soo saari doonaa war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha la’isku afgarto.




From the comments