Gabal dhacii shalay waxaa dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari kusoo xirtay markabka Nawaal Seddax, kaasi oo waday in ka badan 2-kun oo Qof, kuwaasi oo laga keenay dalka Yemen.
Markabkaan waxaa saarnaa dad u badan Haween iyo Caruur, kuwaasi oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhibanaa Yemen, lagana soo badbaadiyay halkaasi.
Dadkaan ayaa Markabka laga dejinayay Illaa xalay Seddax Saac, waxaana dadkaan dekadda kusoo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo uu horkacayay gudoomiyahooda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Guddiga Gurmadka ee Boosaaso, maamulka degmadaasi iyo kan gobalka Bari, dhaqaatiir iyo dad kale.





From the comments