Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in hadda laga fikirayo qaabka dalka ay uga dhici lahayd doorasho, mar hadii aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Waxa uu sheegay in hadda wada tashi ballaaran la sameyn doono, shacabkana ay qeyb ka yihiin wada tashigaasi, sidaa darteedna laga fikiri doono qaabka ay doorasho dalka uga dhici karto.
“Sida wax loo dooranayo waxay kasoo bixi doontaa wada tashiga ay yeelan doonaan hay’adaha dastuuriga ah iyo umadda Soomaaliyeed, doorasho qof iyo cod ah hadii aan la helin micnaheedu ma ahan in aysan doorasho jirin” ayuu yiri wasiir Ceynta oo u waramayay Goobjoog News.




From the comments