Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa habeen kahor soo gaaray Markabka Nawaal Seddax oo in ka badan 2-kun oo qof ka keenay magaalada Mukalla ee dalka Yemen.
Dadkaan oo la dejiyay xero loogu tala galay in ay ku nastaan ayaa wararku waxay sheegayaan in la bilaabay sidii loogu kala diri lahaa gobalada kale ee dalka qaarkood.
Shalay oo Jimco ahayd waxaa Boosaaso laga amba bixiyay 500 oo ruux, kuwaasi oo gaadiid halkaasi laga soo saaray, si loo geeyo deegaanada ay ehladooda ku sugan yihiin.




From the comments