Dastuurka Maamulka Jubbaland Oo La Anisixyay (Sawirro)

Goor dhaw waxaa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose lagu ansixiyay Dastuurka KMG-ka ah ee uu yeelanayo maamulka Jubbaland, kaasi oo Laba maalin laga shirayay.
Ergo gaaraysay 300 ayaa meel marisay Dastuurkaan, iyadoo madasha lagu ansixinayay ay ku sugnaayeen madaxda sare ee Jubbaland, iyo marti sharaf halkaasi lagu casuumay.
Mas’uuliyiinta halkaasi ku sugnaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, Wasiirkii Hore ee warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Axmed Cabdisalaan, Wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, iyo Maxamed Cabdi Afeey oo ah ergeyga gaarka ah ee urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.
Dastuurkaan ayaa intii la diyaarinayay waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waxaana laga talo geliyay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland uu maamulo.
Hoos ka arag Sawirada
Goobjoog News