Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna daahfurayay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir , guddiga olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka kubada cagta, madaxda Isbortiga gobolka , madaxda degmooyinka, ciyartoyda iyo taageraayasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ciyaartoyda 17 degmo oo calankoodoa wata ayaan garoonka socod kusoo maray waxaana usacaba tumayay taageerayaashooda,
Ugu horeyn munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish waxuu yiri” waa sanadki labaad oo xiriir ah ayaan qabanaynaa tartankan”sandki tagay waxaa ka gayb gashay 340 ciyaaryahan oo 200 kamid ah ay ku biireen kooxaha heerarka kale gedisan ee kubadda cagta sanadkana waxaan rajeynayaan in ay soo baxaan ciyaartoy tayo leh oo mustaqbal ku yeesha kubada cagt dalka waana sabata maamulka isboortiga gobolka uu xooga u saaray in tartanka u qabto sanad kasta isla markanaa ay joogtayn doonaan.






















































































From the comments