Warar aanu ka helnay Galmudug ayaa sheegaya in maanta mar kale maamulka Ahlu Sunna uu xabsiga dhigay Wariyayaal ka shaqeeya gobolka uu xalay sii daayey iyagoo aan la ogeyn sababta.
Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa xabsiga kasii daayay xalay Lix wariye oo in ka badan 24-saac ugu xirnaa xabsi ku yaalla degmadaasi.
Odayaasha dhaqanka ee degmada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in wada hadal ay la galeen saraakiisha Ahlu-sunna, iyadoo ugu dambeyn laga dhaadhiciyay in wariyayaashaan ay si damaanad ah ku daayaan.




From the comments