Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cismaan ayaa maanta waxa uu ku dhawaaqay guddiga doorashada maamulkaasi, kaa oo ka kooban Sagaal xubnood.
Guddigaan ayaa ah KMG, waxaana ay maamuli doonaan hanaanka loo qaban doono 15-ka bishaan doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in guddigaan oo raacaya dastuurka Jubbaland in ay diyaarin doonaan xeerka iyo shuruucda doorashada, waxaana loo qabtay in ay kusoo gudbiyeen sharcigaasi muddo Laba Maalin ah.





From the comments