Darwalada gaadiidka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa cabasho waxa ay ka muujiyeen burburka qaar ka mid ah wadooyinka magaalada, oo ay sheegeen in xilliyada roobka dhibaato badan ku qabaan.
Qaar ka mid ah darawaladaan oo uu la kulmay wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi, ayaa waxa ay sheegeen in wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ay burbursan yihiin, sida Wadnaha iyo Sodonka.
“Waxaan dhib ku qabnaa wadooyinka wadnaha iyo Sodonka, gaadiidka inta badan ayaa isticmaala, xaafadaha ayaan marnaa, hadana dhibaatada noogu daran waxa ay tahay xaafadihii qaar oo shacabka dhagxaan nooga xirteen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawaladaasi.




From the comments