Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.
Kulan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa waxaa ay uga hadleen arrimaha Soomaaliya , howlaha muhiimka ah ee Qaramada midoobay ka wado gudaha Puntland iyo sidookale arrimaha dimuqraadiyada sidii looga wada shaqeyn lahaa , maadama Puntland ay qaaday dhabadii dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.
Kadib markii uu soo dhammaday shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadlay Madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq , waxaana ay sheegen in kullankii ay wada qaateen uu ku soo idlaaday guul iyo is afgarad.





From the comments