Waxbarasho La’aan Soo Wajahday Ardayda u Dhashay Yemen Ee Soomaaliya Kusoo Qaxay (Sawirro)
Dagaalada ka socda dalka Yemen waxa ay waxbarasho seejiyeen arday aad u farabadan oo dalkaas wax ka baran jiray, kuwaa oo isugu jira Soomaali iyo Yemen.
Marka laga tago ardaydii dalalka kale wax barashada uga yimid Yemen ee intii ay suurta gashay ay ku noqdeen dalalkii ay ka soo jedeen waxaa dhinaca kale jira arday Yemen ah oo Soomaaliya ku soo qaxay kuwaas oo wax barashadoodiina ay hakad gashay.
Cabuudi Yaasir Al Xamuumi waa mid ka mid ah ardayda Yemeniinta ah ee ku nool xarunta dhismaha Jaamacada Bariga Afrika ee magalaada Qardho, kuwaa oo hada ay si KMG ah loo dejiyay qaxootiga Yemen.
Cabuu Waxa uu ka mid yahay ardaydii dagalada Yemen ka dhacay ay waxbarashadii ka hakiyeen waxa uuna ku hanwaynaa in uu noqdo qof wax barashada heer sare ka gaara.
Isaga iyo ardayda kale ee la socota waxay jeclaysanayaan hada in ay helaan fursad kale ee u saamexeysa in ay ku sii wataan waxbarashadoodii.
Dhica kale qaar ka mid ah waalidiinta dhalay ardaydaas Yamaniyiinta ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin hakadka waxbarashada caruurtooda, islamarkaana waxa ay cod sanayaan in gacan lagu siiyo sii socoshada waxbarashada caruurtooda.
“Waxaan rejeynaayay in caruurtaydu waxbarashada heerka ugu wanaagsan ay ka gaaraan laakiin hadda rajadu ma wanaagsana in kastoo aanan weli quusan” hadalkaas waxaa yiri Ayman Axmed Cali oo isna kamida waalidiinta.
Ayman waxa uu sheegayaa in waxbarashada Soomaaliya ay hooseyso sidaas oo ay tahayna waxbarashada aas aasiga ahna ayba ku yartahay.
Dalka Yaman waxa u ka mid ahaa dalalka deeqaha wax barasho ee bilaashka ah u fidin jiray arardayda Soomaaliyeed mudadii burburka dalkeena.
Hoos daawo sawirada
Maxamed Salaad Cismaan & Aweys Aar
Goobjoog News