Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in sida sharciga dalka u yaallo loo maro hanaanka dhismaha maamulka loo sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Mudanaha oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay dhex dhexaad inay ka ahaato dhismaha maamulkaasi, islamarkaana aysan dhicin in lagu eedeeyo dhan inay u janjeerto.
“Maamulka loo dhisayo Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan haloo maro wadada sharciga ah, dowladana waa in ay dhex dhexaad ka ahaato, mana ahan in eed ay ka timaado” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments