Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay bilaabeen dib u habeyn ku aadan wadooyinka ay jareen biyo, ka dib roob ka da’ay degmadaasi.
Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Afgooye Cumar Maxamed Muuse (Fareey) ayaa sheegay in dhammaan wadooyinka ay biyaha fadhiyaan laga saari doono islamarkaana dib u habeyn lagu sameyn doono.
“Sida aan horay u ballan qaadnay waxaan dib u habeyn ku sameynaynaa wadooyinka ay jareen biyayha, waxaa laga saarayaa marka hore biyaha fadhiya, ka dibna waxaan guda galeynaa dhismahooda” ayuu yiri Fareey




From the comments