Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ay Lix qof oo shacab ah ku dileen duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha deegaanka Halgan Mustaf Xorow Nuur oo wareysi siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabkaan ay saarnaayeen gaari yar, islamarkaana ay ku socdeen waddo aan laamiga ahayn, iyadoo markii lagu amray in gaadiidka ay istaajiyaan ay isku dayeen in ay dib u laabtaan balse rasaas lagu furay.
“Wiil dhalinyaro ah ayaa waday gaarigaasi, waxaana uu soo galay wado aan laamiga ahayn, ciidamada Itoobiya oo meel fadhiya ayeey ku yimaadeen, markii lagu amray in ay istaagaan wiilkii waa uu baqay oo gaarigii ayuu dib inuu u celiyo damcay, hase ahaatee ciidankii meesha joogay cadowgii ayeey moodeen sidaas ayaana lagu rasaaseeyay, waxaa halkaas ku dhimatay Lix qof, Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray” ayuu yiri gudoomiyaha.




From the comments