Magaalada Baydhaba ee gobalka Baay waxaa maanta gaaray wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, halkaasi oo maanta ay ka bilaaban doonto soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa ka qeybgali doona munaasabad lagu furayo soo xulitaanka xildhibaanada baarlamaanka uu yeelan doono maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu si gaar ah ula hadli doonaa Odayaasha dhaqanka ah ee howshaan laga sugayo.
Ammaanka guud ee magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM.




From the comments