Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska maamulka Puntland Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf Afgaduud ayaa maanta digniin siiyay ciidamada Booliiska maamulkaasi iyo saraakiishooda, taasi oo ku saabsan in aanay Qaad ku cuni karin goobaha shaqada ee ciidanka.
Hadal uu maanta ka jeediyay taliyaha munaasabad uu xilka kula wareegayey ayuu sheegay in askarigii lagu arkaa isaga oo goob shaqo Qaad ku cunaya shaqada laga eryi doona, sidoo kalena sarkaalkii falkaasi lagu arko isna la eryi doono.
“Meel kasta oo shaqo Boolis laga hayo waa ka mamnuuc Qaadka, askariga lagu helo waa Ruqso, askarigii aan Laba indho ku saaro isaga oo meel shaqo ku qayilaya ha ogaado shaqadiisa ayuu ku weyn doonaa, sarkaalkii aan ugu imaado isaga oo ku qayilaya meel shaqo isna waa sidaas oo kale, sarkaalka kale oo aan shaqo hayn misane ugu imaado xabsi buu ku galayayaa” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments