Warar goor dhaw naga soo gaaraya magaalada Boorama ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu rasaas ku furay Taliyahii aagga galbeed ee Miltariga maamulkaasi iyo ilaalo la socotay.
Waxa ay wararka intaa ku darayaan in halkaasi uu ku geeriyooday geeriyooday xidigle Faarax Caraalle waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray Xasan Caqli oo ah taliyaha aagga Galbeed.
Falkaan ayaa ka dhacay xerada Milatariga ee Boorama, halkaasi oo si caadi ah ay uga socotay howlaha shaqada ciidamada.




From the comments