Deegaanno badan oo ka tirsan gobalka Mudug ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay ka jirto Biyo la’aan aad u baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.
Deegaanka Bacaadweyn ee gobalka Mudug ayaa la soo sheegayaa in hadda meesha ugu daran ee Biyo la’aanta ka jirto ay tahay, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay deegaanada kale ee deegaankaasi hoostaga.
Gudoomiyaha Bacaadweyn Maxamed Saciid oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Biyo dhadhankoodu dhanaan yahay ay halkaasi ku haystaan, kuwaa oo markii dadku cabeen ay ka qaadeen Shuban iyo Xanuunno kale.




From the comments