Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beni’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii halsano laga waayay Soomaaliya kiis la xiriira cudurka Polio ama dabaysha, iyagoo si wada jir ah carruur Soomaaliyeed u siiyeen talaalka labo dhibcood oo ah ka hortagga cudurka dabeysha.
Dr Buubaal oo ah madaxa Soomaaliya ee hay’adda WHO ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in halsano aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo hay’adaha caafimaadka ay arrintan ku bixiyeen
“Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xusno halsano oo aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya, waxaan xasuustaa bishii May sanadkii 2015 qiyaastii la sameeyay, waxaan u imaanay in aan ka qeyb qaadano cirib tirka cudurkan, waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda cafimaadka madaxdeeda iyo shaqaalaheeda ee ku aadan cirib tirka cudurka dabaysha, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa hay’adaha dowladda soomaaliya ka taageeray cirib tirka cudurkan kuwaasoo dhamaantood ku dadaalay in mudo 12 bilood ah Soomaaliya laga waayo cudurka dabaysha” ayuu yiri Dr Buubaal.




From the comments