Qof rayid ah oo lagu magacaabo Cabdiweli Abukar Cabdulle oo 25 jir ah, isla markaana Mooto watay ayey gadiidka AMISOM ku jiireen wadada Warshadaha, qeybta degmada Hodan.
Cabdiweli waxaa soo gaaray dhaawac daran waxaana burburtay mid ka mid ah Lugahiisa, waxaana markii uu shilka dhacay goobta ka baxsaday gaadiidkii falkaasi ka dambeeyay.
Intaasi ka dib ayaa gaadiidka AMISOM waxaa ka daba baxay , saraakiisha Ciidamada dowlada, maamulka Hodan iyo mas’uuliyiinka ka tirsan gobolka Banaadir, iyaga oo ugu dambeyn wada hadal la galay AMISOM, la’iskuna afgartay in ay bixiyaan wax walba oo ku baxaya daaweynta Cabdiweli.




From the comments