U bood dhigaalka

Odayaasha dhaqanka oo baarlamaanka Jubbaland ka codsaday in ay u codeeyaan Axmed Maxamed Islaam

Sheeko:Dalka

Xaflad balaaran oo ka dhacday Hoteel Cascaseey magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo qabtay xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, waxaana qabtay urur ay ku mideysanyihiin odayaasha dhaqanka Jubbooyinka iyo Gedo.

Xafladda oo ahayd mid qado sharaf ah ayaa waxaa xildhibaanada laga codsaday in ay codkooda siiyaan madaxweynaha hadda jooga ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), maadaamaa bey yiraahdeen uu muujiyey waxqabad .

Ugaar Cumar Xiireey oo ah afhayeenka odayaasha Jubbaland ayaa yiri “Horey 2 sano ka hor waxaan codsanay in Axmed Madoobe la doorto maadaamaa uu ahaa ninka naga bixin kara duruufaha adag ee jira, waad aragteen hadda waxa noo qabsoomey, iyo horumarka la gaaray, mar kale ayaan haddana idin leenahay waxaan codsanaynaa in ad codkiina siisaan madaxweyne Axmed Madoobe” ayuu yiri Cumar oo sheegey in uu ku hadlayo codka guud ahaan odayaasha dhaqanka.

Odayaal kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa hadal kaasi la mid ah jeediyey, waxayna sheegeen in qofka kaliya ee marxaladda hadda taagan Jubbaland ka gudbin kara uu yahay Axmed Madoobe.

Madasha ayaa waxaa soo xaadirey inta badan xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland iyo waliba guddoonka baarlamaankaasi.

Doorashada madaxtinimo ee Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka August, 2015 oo maalmo uun ay naga xigto.

Goobjoog News