Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono dhammaan xarumaha dowladda ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay, wixii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayey maalinta dhalinyarada aduunka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku howlan tahay sidii dib loogu hagaajin lahaa goobaha sida gaarka ah u hoos yimaada.
Waxa uu sheegay in Hotelkii caanka ahaa ee Curubo dib loo hagaajin doono, isaga oo tilmaamay in ay ku bixi doonto lacag dhan 60 milyan oo doolar.




From the comments