Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose, taasi oo mar kale lagu doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Gaas ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka maamul ahaan hanaanka ay doorashada u dhacday, waxaana uu sheegay in uu mar walba maamulkiisa uu garab taagan yahay maamulka Jubbaland.
“Waxaan soo dhaweynayaa doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Madaxweynaha Jubbaland lagu doortay, hadda Jubbaland waxa ay ka baxday KMG, waana maamul sax ah, anaga ka Puntland ahaan waxaan diyaar u nahay in mar walba aan garab istaagno maamulkaasi” ayuu yiri Gaas.




From the comments