Siminaarkaan aqoon kororsiga ah oo muddo afar maalin ah uga socday magaalada Muqdisho saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay.
Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay mid ka mid hay’adaha Maxaliga ayaa waxaa soo xiray Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalle Xuseen Cali.
Wasiir ku-xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu furtay akoon loogu talo galay in bulshadu uga qayb qaadato taageerida ciidanka xoogga iyo howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka lagu taageero xoreynta dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments