Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugidda Qaranka ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen 48-kii saac ee lasoo dhaafay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo soo qabtay Maandooriyeyaal.
Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka ay gudaha u galeen guri uu sheegay in Maandooriyaha lagu iibin jiray, sidoo kalena dadka ay ku isticmaalayeen.
Waxa uu afhayeenka sheegay in halkaasi lagu soo qabtay Maandooriye badan, taasi oo dhibaato badan u keenayay shacabka Soomaaliyeed.




From the comments