Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa dalbaday in Laba Duq-magaallo loo sameeyo magaaladaasi, ka dib cabasho ay ka muujiyeen Duqa magaaladaasi ee iminka talada haya.
Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan xaafadda Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda hoose ee Hargeysa aanay xaafadaasi waxba u qaban, islamarkaana aysan kasoo bixin ballanqaadkii la sameeyay.
Waxa ay sheegeen in dowladda hoose ay horay ugu sheegtay shacabka ku dhaqan xaafadaasi in ay kaalin ka qaataan howsha dib u dhiska wadooyinka, islamarkaana ka shacab ahaan ay agab badan keeneen, balse aan loo imaan.




From the comments