Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad laga baqayo in dagaal ay sababto, taasi oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan maamulka cusub ee magaaladaasi iyo kuwii hore.
Nabadoon Buraalle Jaamac Deer oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ay ka baqayaan in dushooda lagu dagaallamo, islamarkaana aysan jirin xarumo ganacsi oo furan.
“Ciidankii hore iyo kuwa cusub ayaa is hor fadhiya ka dib maamuladii la kala bedlay, xarumaha ganacsiga waa la xiray, hade dadkuna dagaal bay ka baqayaan” ayuu yiri Nabadoonka.




From the comments