Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Jubba.
“Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu hambalyeeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba. Waxaan bogaadinaynaa sida Mudane Madoobe ay uga go’antahay inuu si dhab ah ula shaqeeyo guddigii uu dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke si xal loogu helo qaab dhismeedka Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Ku-Meelgarka ee Jubba waxaana ku dhiirrigelinaynaa (Mudane Madoobe) in arrintan sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyo iyadoo loo marayo qaab loo wada dhanyahay. Waxaan soo dhoweynaynaa taageerada uu Mudane Madoobe u muujiyay natiijadii ka soo baxday (shirkii) Madasha Wadatashiga Heerka Sare iyo weliba Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015).
Waxaan ku dhiirigelinaynaa Mudane Madoobe, Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba iyo Dowladda Federaalka inay si dhow ula shaqeeyaan Soomaalida inteeda kale ee ay arritu khusayso si wadahadal wax dhisaya looga yeesho hanaanka maamul dhisidda iyo hanaanka doorasho ee 2016.




From the comments