Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay ergayga gaarka ah ee xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha Soomaaliyeed.
Afhayeenka xukuumadda Cabdisalaan Axmed Caato oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in xilkaasi loo magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, taas oo ku timid markii uu Ra’iisul wasaaraha tixgeliyay baahida loo qabo Arrimahaan.
“Ra’iisul wasaaraha markii uu tixgeliyay baahida loo qabo xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaa lama huraan noqotay in uu magacaabo wakiillkaan gaarka ah oo arimahaan qaabilsanaan doonto, walibana heer caalami uga shaqeyn doonto, wax badanna ka qaban doonto xaaladda ay ku jiraan, si dhalinyaradeenna dhibaateysan ee wadanka u baahan ay si nabad ah ku joogaan, lana ogaado xaaladooda” afhayeenka ayaa sidaasi yiri.




From the comments