Uqaabilsanaha midowga Africa ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka hadlay dhacdadii ka dhacday magaalada Marka 31-July ee sanadkaan.
Ergayga ayaa waxa uu sheegay in ay warbixin ka soo saareen 4-August oo ku saabsanayd in baaritaan lagu samayn doono sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii dadka rayidka ahaa ku laayay magaalada Marka lana sii wadi doono illaa xogta dhabta ah la helo
ergayga ayaa yiri “run ahaantii waxaan soo saarnay in dhacdaas 7 qof oo rayid ah lagu dilay ayna ku lug lahaayeen ciidamadeena sidaa darteed waxaan jeclahay aniga oo u hadlaya midowga Africa in aan raali galin ka bixino dhimashadaas waxaana leeyahay aad baan uga xunnahay, waxaan rabaa inaan tacsi u diro eheladii, qaraabadii dhammaan dadka soomaaliyeed iyo dowladdaba”




From the comments