Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa cambaareeyey qarax loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray xaruntii hore ee Jaamacada Kismaayo, oo fariisin u aheyd ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad illaalinta ee AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in lagu carqadaladeeyo hannaanka dawlad dhisidda Soomaaliya, waxana uu R/wasaaruhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo alle uga baryay inta dhaawaca ahna in uu caafimaad deg deg ah siiyo. Isagoo tilmaamay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.
Ra’iisul Wasaare Cumar oo weerarka ka hadlaya waxa uu yiri:




From the comments