U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Horey Ugu Hungoowdey Madaxweynaha, Haddana u Hiilineysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu muddo 3 sanadood ah isku badalay 3 Ra’isulwasaare, kuwaasi oo dhamaantood ay isku dhaceen, markii dambana uu ka shaqeeyey in xilka laga qaado, isaga oo u maray baarlamaanka federaalka.

Beesha caalamka oo markasta garab taagan Soomaaliya, gacan badan ka geysatay sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd dowlad rasmi ah ayaa diidey in la rido Ra’isulwasaareyaasha, waxayna madaxweynaha markasta ka codsanayeen in uu la heshiiyo ragga uu isaga soo magacaabay, balse madaxweynaha waa uu iska dhago tirayay soojeedin kasta.

Tusaale ahaan bishii Nofeember ee sanadkii lasoo dhaafay markii madaxweynaha ay isqabteen Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed , beesha caalamka waxa ay madaxweynaha usoo jeedisey in uu la heshiiyo Cabdiwali.

Dhexdhexaadintii ay beesha caalamka samaysay, Cabdiwali waa uu ogolaaday dhamaan waxyaabihii loosoo jeediyey, balse madaxweynaha waxa uu ku adkeystey in Cabdiwali uu meesha ka tago isaga oo yiri hadalkii caanka ahaa “Waxaan ku kala baxaynaa hey’adaha dastuuriga ah ee dalka”.

Gogol kasta oo madaxweynaha loo fidiyey, waa uu ku rogey beesha caalamka, wuxuuna xusuusiyey in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, wixii danteeda ahna garanayso.

Beesha caalamka xiligaasi waxa ay madaxweynaha u sheegtey in danta Soomaaliya aysan ku jirin Ra’isulwasaare la rido maadaamaa uu waqti badan ka lumayo, hawl badan oo taalayna ay dayacmayso ama dib u dhacayso qabashadeeda.

Muddo sanad ka yar madaxweynaha hadda isaga ayaa mooshin laga keeney, wuxuuna mooshinkaasi ku tilmaamay mid waqtiga looga luminayo , islamarkaasina hawsha hortaala dowladda ay tahay mid aad u culus, waqtiga loo heystana uu yaryahay.

Waa isla arrintii uu ka diidey beesha caalamka iyo waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee baaqyada joogtada ah u jeedin jirey madaxweynaha markii uu hoos ka abaabuley xildhibaanada si ay kalsoonida ugala noqdaan ra’isulwasaareyaasha.

Hadda madaxweynaha waxa uu kulanla yeeshey beesha caalamka, kuwaasi oo iyagu taagan halkii ay shalay taagnaayeen oo ahayd in aysan Soomaaliya xal u ahayn qof madaxda sare ka mid ah in xilka laga qaado, dalkana la galiyo qalalaase siyaasadeed.

Waxa uu madaxweynaha sidoo kale beesha caalamka ka doonayaa in xildhibaanada mooshinka wada loo aqoonsado qas wadayaal, lagana xayiro safarada dibada , hantidoodana la xayiro, waxaana laga yaabaa in xubnaha beesha caalamka ay goos dambeedka ka qoslayaan, hoostana ka xamanayaan madaxweynaha, iyaga oo la yaaban sida waqtiga isu badalay.

Si kastaba waxaa wax lagu farxo ah in beesha caalamka oo marar badan shaki laga muujiyo ujeedooyinkooda in markani iyo markastaba ay ku hadlayaan hal cod oo ay Soomaaliya ku barbar taaganyihiin , halka madaxdii qaranka ee la doortey oo ay ku jiraan xildhibaanada ay u dhaqmayaan si aanan munaasab ahayn oo dantii qaranka lagu burburinayo.

Beesha caalamka oo horey ugu hungoowdey madaxweynaha, ayaa haatan isagii u hiilineysa, waxayna ku baaqayaan in la joojiyo mooshinka, lana qabto shaqada kale ee muhiimka ah ee taala.

Goobjoog News