Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa xilligaan waxaa soo food saartay cabsi aad u daran, ka dib markii ay soo bateen dadka gurayaha lagala baxo, mise Meydadkooda wadooyinka lasoo dhigo.
Shacabka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ayaa cabsida ugu weyn waxa ay soo wajahday ka dib markii Seddax ruux oo Soomaali ah la helay Meydadkooda, kuwaa oo horay loogala baxay guryo la sheegay in ay Nairobi ka deganaayeen.
Wariyaheena Xasan Sheekh Cumar oo ku sugan Nairobi ayaa la kumay qaar ka mid ah dadkaasi, waxaana ay u sheegeen cabsida xilligaan soo wajahday iyo heerka ay la egtahay.




From the comments