Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dhinteen gudoomiye ku xigeenkii degmada Baladxaawo iyo Yaliyahii ciidamada Booliiska ee degmada Luuq.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey, waxaana mas’uuliyiinta lagu kala magacaabayay Maxamed Yacquub oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Baladxaawo iyo Taliyaha Luuq oo lagu magacaabayay Cabdi Howsar.
Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay geerida Mas’uuliyiintaan.




From the comments