Siyaasiga Axmed Faarax Ducaale ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in Barlamaanka Dowlada Federaalka uu dusha ka daawado dilalka Ciidamada AMISOM ay u gaystaan dadka Soomaaliyeed
Isagoo u waramay Goobjoog News ayuu sheegay in dalka uu ku jiro xaalada jahwareer ah, islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliya ay ahaayeen kuwa dalka wax badan ka qaban lahaa marxaladda uu ku jiro.
“Waa Nasiib Daro in Maanta Ciidamada Ethiopia ay saldhiga wayn oo xagga sirdoonka ah ku leedahay Madaxtooyada Soomaalia, sidoo kale AMISOM tacadiyo ayeey dalka ka sameeyeen, Baarlamaanka inuu dusha ka daawado waa nasiib darro” ayuu yir Ducaale.




From the comments