Kulan ballaaran oo looga hadlayay ammaanka gobalka Galgaduud ayaa maanta waxa uu degmada Ceelbuur ku dhexmaray saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa AMISOM Odayaal dhaqameed iyo maamulka degmadaasi.
Waxaa kulankaan diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid tahay sugidda amniga degmadaasi iyo deegaanada ku dhaw, sidii loo taageeri lahaa dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab iyo sidoo kale shaqaaqo ka dhacday shalay deegaanka Cadayle ee gobalka Galgaduud.
Taliyaha ciidamada dowladda ee Bariga Galgaduud Maxamed Kaariye Dhega-dheere oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in kulanka la’isku fahmay sidii shacabka iyo ciidamada ay u wada shaqeyn lahaayeen.




From the comments