Waxaa soo gabogaboobey maalinti koowaad ee bandhigga buugaagta caalamiga ah ee magaalada Muqdisho iyada oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dad ah oo dhalinyaro u badan, laguna soo bandhigey illaa 3 kun oo buug.
Waxaa carwada buugaagta oo ka dhacday Hotel City Palace furey ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Iman Nuur Ikar, oo sheegey in inkasta oo dib usoo kabasho badan ay Muqdisho gaartay haddane ay waxyaabo badan dhiman yihiin in la hagaajiyo “Aad ayaan ugu faraxsanahay kasoo qeybgalka madashan, aniga oo wakiil ka ah madaxda Soomaaliya, gaar ahaan duqa magaalada Muqdisho oo ku casuunaa madashan ayaan salaan idiinka wadaa”
“Dhaqankeena suuban daliil waxaa u noqoneysa in markii sedex maalin oo isku xigta, buugaagta la arki doono lasoo bandhigi doono oo la yiraahdo intaasoo qoraal oo Soomaali ay qortey ayaa suuqa yaala, waxaan rajaynaynaa marka maktabadii lagu akhrisan lahaa in illaahay uu suurtogaliyo” .ayuu yiri





From the comments