Maamulka Jubbaland ayaa guul ka sheegtay dagaallo shalay ka dhacay gobalka Gedo, oo ay la galeen Xarakada Al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulkaasi Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka saareen deeganno badan oo Gedo ka mid ah, islamarkaana ay sii wadayaan dagaalladaasi.
Waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ay dhankooda ka dhimatay askar iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenkii Baladxaawo iyo Taliyahii Booliiska Luuq.




From the comments