Waxgaradka ku dhaqan gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in wada hadal uu la galo garabka kale ee ka maqan Ahlu-sunna Waljameeca, gaar ahaan garabkii dhawaan maamulka uga dhawaaqday Dhuusamareeb.
Suldaan Cabdicasiis Cumar oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa isaga oo u waramayay Goobjoog news waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in la xalliyo cid walba oo wax ka tabanaysa Galmudug.
Sidoo kale waxa uu sheegay Suldaanka in heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Cadaado uu yahay wax wanaagsan loona baahan yahay in Galmudug ay raadiso dhinac ka tirsan Ahlu-sunna ee maamulka ku dhistay magaalada Dhuusamareeb.




From the comments