Markab laga leeyahay dalka Iran iyo 19 shaqaale oo saarnaa ayaa ka baxsaday gacanta kalluumeysato ku heysatay deegaanka Ceel Huur ee gobolka Mudug, kadib markii ay 5 bilood heysteen.
Markabkan oo ah nooca kalluumeysiga ayaa lagu heystey kalluumeysi sharci darro ah oo uu ka samaynayay xeebaha Soomaaliya, waxaana gacanta lagu dhigey 23-dii bishii Maarso, 2015-ka.
Sida uu sheegey nin lagu magacaabo John Steed, oo ka tirsan ururka lagu magacaabo Oceans Beyond Piracy, naaquudaha markabka ayaa ka faa’iideystey mar ay diyaarad helicopter ah soo dulmartay markabka, taasi oo keentey in dadkii hubeysnaa ee heystey markabka ay ka dagaal.




From the comments